Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Diyaarad Galabta Baydhabo ka Qaaday Meydad iyo Dhaawacyo
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:19
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:80
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:243
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:368
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 08 2008
Diyaarad Galabta Baydhabo ka Qaaday Meydad iyo Dhaawacyo
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 08 July 2008

Diyaarad Militiri oo Qaadeysa Meydad iyo DhaawacyoBaydhabo,(insidesomalia.org)- Warar xog ogaal ah oo laga helayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in Diyaarad qaas ah oo ah kuwa Milateriga ay galabta garoonka Diyaaradaha Baydhabo ka qaaday Meydad iyo dhaawacyo askar ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya, kuwaasi oo waxyeelo ka soo gaartay Duqeyntii xalay loo geystay Magaaladaas.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan 20 dhaawacyo isugu jira soomaali iyo Itoobiyaan oo dhaawacyadooda ahaa mid halis ah laga qaaday Magaalada, iyadoo intii la qaadayay hakad la geliyay dhaq dhaqaaqii Magaalada.

Xoogaga Alshabaab ayaa xalay Duqeyn culus u geystay Goobo ay bartilmaameedsadeen Gudaha Magaalada Baydhabo, taasoo la sheegay in ilaa 5 goobood ay weerareen markii ay gudaha usoo galeen Magaalada saqdii dhexe ee xalay.

Dhimashada iyo dhaawacyada ayaa ahaa kuwo keenay Madaafiicda oo xilli aysan fileyn lagu garaacay teendhooyin ay ku jireen Ciidamada, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Dowladda oo codsaday inaan magacooda la sheegay.

Inta la og yahay 12 askari oo kuwa Dowladda, gaar ahaan kuwa Madaxtooyada Baydhabo ee daacada u ah Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa ku dhintay weerarkaas, halka tiro askar Itoobiyaan ah oo aan tiradooda la heyn ay iyana ku dhinteen.

Diyaarada galabta ka qaaday Meydadka iyo dhaawacyada Magaalada Baydhabo ayaa aheyd diyaarad saanad Milateri u keentay Ciidamada Itoobiyaanka oo xarun weyn ku leh Magaalada Baydhabo.





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >